Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Madaxda Furdooyinka Puntland(Sawirro)

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa Shir ku saabsan Kor u qaadista Dakhliga Furdooyinka Puntland la qaatay Maamulaha Furdooyinka Puntland iyo Maamulka Furdada Dekada Boosaaso.

Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyey Goobaha kala duwan ee ay Maraakiibta iyo Doonyuhu ku soo xirtaan Dekada Boosaaso halkaasi oo shaqo xawli ah ka socotay.

Agaasimaha Furdooyinka Puntland iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda ayaa wasiirku kulan la yeeshay.

Kulanka ayaa looga wada hadlay kobcinta iyo kor u qaadista Dakhliga Guud ee Furdooyinka Puntland iyo Horumarinta iyo Casriyeenta Sistamka canshuur qaadidda Dekada.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.