Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda WFP ee Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi  ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Madaxa Hay’adda WFP ee Puntland mudane Shashi.

Kulanka ayaa waxaa Wasiirka ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabdi Cilmi iyo Agaasiame Kuxigeenka Guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir.

Waxaa Kulanka  looga hadlay  sidii Wasaaraddu u fududeyn lahayd wada shaqaynta Hay’adda ee dhanka Cashuur dhaafyada ay soo dalbadaan Hay’adda WFP si loo gaarsiiyo bulshada u baahan gargaarka.

Ugu damabyn Wasiir Xasan Shire Cabdi ayaa ku boggaadiyey Hay’adda Cuntada Aduunka ee WFP sida wanaagsan ay uga qayb qaadanayso abaaraha, wuxuuna xusay in Wasaaaradda Maaliyaddu ay fududeynayso wax kasta oo kaga aadan arrimahaas.

 Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.