Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Maamulayaasha Dakhliga ee gobolka Bari(Sawirro)

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Muadane Xasan Shire Cabdi ayaa kulan la qaatay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga oo ay wehiliyaan Maamulayasha Dakhliga ee gobolka Bari.

Ku- xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Mundane Abshir Maxamed Abshir ayaa Warbxin faahfaahsan ka siiyay Wasiirka, isagoo soo bandhigay hannaanka shaqo ee dhanka dakhliga ee dhanka horumarinta tacriifada Furdadda, horumarka goobaha dakhliga , caqabadaha dakhliga iyo yoolasha dakhliga ee ku cad Qorshaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Warbxinno gaar ah ka dhageestay mas’uuliyiinta Cashuuraha Barriga, Maamulka Garoonka Boosaaso, Furdadda Boosaaso kuwaasoo ku saabsanaa shaqooyinka ay gacanta ku hayaan iyo tallaabooyinka horumarineed ee lugu talaabsaday.

Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Cabdi ayaa uga mahad celiyay saraakiisha Dakhliga dadaalka ay wadaan ee xaqiijinta soo uruurinta dakhliga Dowladda si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda dalka, sidoo kale wuxuu ku booriyay mas’uuliyiinta kala duwan in la sii xoojiyo dadaalka iyo dardar galinta dakhliga oo loo gaaro isku filnaansho Dawladeed loona baxsho adeegyada Dowladda si joogta ah.

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa si wanaagsan uga soo baxday mas’uuliyadda loo igmaday ee dhanka dakhli uruurinta, bixinta kharashyada Dowladda, ku dhaqanka miisaaniyadda, joogtaynta mushaaraadka shaqaalaha & ciidanka iyo dhiiri galinta Wax soo saarka gudaha si loo helo horumar balaaran.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.