Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeeray Xarunta Keydka Shidaalka ee Shirkadda Ocean Petroleum ee Boosaaso[Saworro]

BOOSAASO – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Axmed Yaasiin Saalax, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cumar Xasan Fiqi, Agaasimaha Wasaaradda Dekadaha Cabdi Majiid Samatar iyo Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Keydka Shidaalka ee Shirkadda wadaniga ah ee Ocean Petroleum Company.

Madxda Dowladda waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay ganacstada maalgelisay  iyo Injineerada gacanta ku haya shaqada Ocean Petroleum Company.

Shirkadda Ocean ayaa samaysay Kaydka Shidaal oo ah mid casri ah lana jaan qaadi doona Kaydadka Shidaalka ee dunida, taasoo meesha ka saari doonta nidaamkii hore ee shidaalka iyadoo ay wax wayn iska badali doonaan baahida shidaalka ee deegaanada Puntland.

Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa boggaadiyay maaligelinta maxaliga ah ee ay sameeyeen ganacstada Puntland taasoo qayb ka qaadan doonta kobaca dhaqaalaha ee dalka .

Qorshaha cusub ee shidaalka ayaa  Maraakiibta sida shixnada kusoo xiran doonaan goob loogu talagalay oo Badda ah iyagoo si toos ah ugu shubi doonaan Kaydka shidaalka ee shirkadda taasoo fududayn doonta culayskii ka jiray dekadda marka maraakiibtu ay shubayaan shidaalka kuwaasoo lagu qaadi jiray booyado waa wayn oo buuxiya gudaha Dekadda.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa u jooga Boosaaso dardar galinta shaqooyinka Wasaaradda iyadoo mar kasta diirada la saarayo sidii kor loogu qaadi lahaa adeegga cashuuraha iyo fududeynta badeecaddah ka soo dega Dekadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.