Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeeray Habsami u socodka Dekadda Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad oo hawlo shaqo u jooga magaalada Boosaaso ayaa kormeeray habsami u socodka shaqada Dekadda magaalada Boosaaso.

Wasiir Dhabanacad ayaa kulan la qaatay madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Kastamka Furdada Boosaaso.

Wasiirka ayaa shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta kale kula dardaarmay xoojinta adeegyada dowliga ah Dekadda , sarena loo qaado tayada shaqo.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta Shirkadda DP World ee gacanta ku haysa mashruuca ballaarinta iyo horumarinta Dekadda magaalada Boosaaso.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa kormeeray dhismaha ballaarinta Dekadda, asagoo Shirkadda DP World ku ammaanay sida dhaqsaha leh ee ay u socoto dhismaha Dekadda Boosaaso.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.