Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer Shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda ee magaalada Gaalkacyo[Sawirro+Muuqaal]

GAALKACYO – Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhananacad oo uu wehiliyo Wasiir ku-xigeenka dakhliga Mudane Cali Cumar Caarshe ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Gaalkacayo.

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug Ismaciil Cabdinuur Geesey ayaa Wasiirka halkaasi ku soo dhoweeyay waxana ay mas’uuliyiintu booqdeen xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda iyga oo wax ka ogaaday shaqooyinka socda.

Dhinaca kale Wasiirada ayaa kulan la yeeshay Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug waxaan looga hadlay shaqooyinka socda, caqabadaha jira iyo sdii loo dardar-gelin lahaa kor u qaadida dakhliga.

Ugu dambayn Wasiir Dhabanacad ayaa mas’uuliyiinta Wasaaaradda ku amaanay dadaalada ay ku bixiyeen kobcinta dakhliga waxana uu kula dardaarmay dardargelinta howlaha Wasaaradda ee Gobolka iyo kor uqaadista dekhliga, iyada oo hada gobolku yeeshay Dekadda Garacad ee dhawaantan xadhiga laga jaray.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.