Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku tagey Garoonka diyaaradaha Boosaaso(Sawirro)

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi aya kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaradda maaliyada ee Garoonka diyaaradaha.

kormeerka uu Wasiirku ku sameeyay Kastamada Garoonka ayaa Salka ku haya u kuur gelidda habsami usocodka shaqada kastamka.

Maamulaha Kastamka garoonka ayaa wasiirka xog-dheeri ah ka siiyay soo xeraynta dakhliga iyo horumarka ay ka gaareen, iyaga oo soo bandhigay dakhliga ay soo xereeyeen.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyeey habsami u socodka shaqada Balaarinta dhabaha Diyaaraduhu ku ordaan ee Garoonka Boosaaso iyo Dhismaha Hangarada Lagu xareeyo Diyaaradaha.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.