Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Maaliyadda ee gobolka Mudug[Sawirro]
GAALKACYO – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka ayaa halkaas warbixino kale duwan uu kaga dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug iyo degmada Gaalkacyo oo uu ka mid ahaa
Xisaabiyaha Wasaaradda Ismaaciil Cabdinuur Geesey.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka ilaalada Cashuuraha gobolka Mudug ayaa Wasiirku warbixin ka dhageystay.
Kulanka ayaa waxa isna goob joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mahdi Qanbi oo isaguna howlo shaqo ujooga Gaalkacyo, Kulankan ayaa kusoo dhammaaday in la dardargaliyo Cashuuraha isla markaana qof kastaba gudto waajibaadka shaqo ee ummadda loo hayo.
Ugu dambayn Wasiir Dhabancad ayaa madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda kula dardaarmay in ay muujiyaan dadaal dheeri ah oo dakhliga kor loogu qaadaayo.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments