Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Goobaha Dakhliga Wasaaradda ee Boosaaso[Sawirro]
BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntlnd Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo wafti uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo u jooga Boosaaso ayaa kormeer Shaqo ku tagey goobaha Dakhliga soo saara ee Wasaaradda Maaliyadda ayna ka mid yiin Kastamkamada Garoonka diyaaradaha iyo Furdada.
Wasiirka Maaliyadda Puntland , waxaa ku weheliyey kormeerka Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi,Agaasime guud Ku-xigeenka Dakhliga Abshir Maxamed Abshir, Maamulaha Furdada Boosaaso Maxamed Yuusuf iyo Taliyaha Ciidanka ilaalada Cashuuraha gobolka Bari Col. Maxamed Baari Shire.
Wasiirka ayaa booqday Xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda ee Kastamka Furdada, waxana uu la kulmay madaxda iyo Shaqaalaha su’aalana ka waydiiyey habsami u socodka shaqada.
Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda Maaliyadda, Wasiirka Dekaddaha iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada Wasaaradood ayaa booqday gudaha Dekadda si ay wax badan uga soo ogaadaan shaqooyinka socda iyo sida ay dekadu u shaqaynayso, aydoo dhowaan bilaaban doonaan sidii loo balaarin lahaa dekada.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Waftiga uu hoggaaminayo ayaa booqday Kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo ay ka socdeen shaqooyinka cashuurista Badeecadaha garoonka ka soo dega.
Ugu dambayn, Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa kulan la qaatay Maareeyaha garoonka, Maamulaha Kastamka, waxaana looga wada hadlay kulankaasi shaqooyinka dhanka dib u-habeynta ee lagu hormarinayo garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo dar-dargelinta dakhliga.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments