Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Dekedda magaaladda Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Maaliyadda Dowldda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad oo uu weheliyo Wasiirka Dekedda Iyo Gaadiidka Badda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax iyo Maamulaha Furdada Booaaso Mudane Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagey dekedda Boosaaso.

Madaxda ayaa kormeeray hab-sami u socodka shaqada ballaarinta iyo horumarinta lagu sameynayo Dekedda magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Xubno kamid ah Injineerada shirkadda gacanta ku haysa dhismaha ballaarinta iyo horumarinta Dekedda ayaa warbixin ka siiyay madaxda shaqada socota, waxayna sheegeen in meel wanaagsan ay marayso.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Badda Puntland ee PMPF.

Dekedda Boosaaso ayaa la ballaarin doonaa 450m, iyadoona 150m ee ugu horreeya hadda ay shaqadeedu socoto. Sidoo kale waxa uu qorshuhu yahay in hoos-u-qodka Badda la gaarsiiyo 11m.

Ugu dambeyntii intaas waxa u dheer u diyaarinta Dekedda mid awood u leh maraakiibta waa-weyn inay kusoo xirtaan, konteenarada guurguura, mashiinada iyo agabka shaqo ee Dekedda yeellanayso.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.