Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda ee gobolka Mudug(Sawirro)
GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug.
Waxaa xarunta ku soo dhaweeyey Wasiirka,
Agaasimaha Furdooyinka Puntland Mahdi Cabdiqaadir Faarax Qambi, Xisaabiyaha gobolka Mudug ee Wasaaradda Maaliyadda Ismaaciil Cabdinuur Geesay iyo mas’uuliyiin kale oo la tirsan Wasaaradda.
Kormeerka Wasiirka ayaa salka ku hayey u kuur galidda hannaanka shaqada Wasaaradda iyo Dar-dar gelinta canshuraha Gobolka Mudug.
Wasiirka ayaa booqday xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda waxaana uu warbixino ka dhagaystay maamulka iyo shaqaalaha xarunta waxana uu ku dhiiri geliyey in ay kor u qaadaan dakhliga.
Baahintii
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments