Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeer ku tagay Kastamka Maaliyadda ee Airport-ka Bosaso(Sawirro)
BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi aya kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaradda Maaliyada ee Garoonka diyaaradaha Boosaaso.
kormeerka uu Wasiirku ku sameeyay Kastamada Garoonka ayaa salka ku haya u kuur gelidda habsami usocodka shaqada kastamka.
Maamulaha Kastamka garoonka ayaa wasiirka xog-dheeri ah ka siiyay soo xeraynta dakhliga iyo horumarka ay ka gaareen, iyaga oo soo bandhigay dakhliga ay soo xereeyeen.
Wasiirka ayaa mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha kula dar-daarmay in ay dadaal dheeri ah ku bixiyaan kor u qaadista Dakhliga si dowladdu ugudato waajibaadkeeda shaqo ee dalka.
Baahintii














Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments