Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka qayb galay Shirka Odoraska Miisaaniyadda Dowladda sanadka 2023[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil ayaa  ka qayb galay soo bandhigida odoraska Miisaniyadda Dowladda Puntland ee sanadka  2023.

Miisaaniyaddan ayaa lagu soo bandhigay dakhli iyo kharashka sanadka 2023 la filan karo iyada oo ay soo diyaariyeen Waaxda Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda.

Kulanka waxaa ka qayb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Kuxigeenka Agaasimaha guud ee Dakhliga, Xisaabiyaha guud ee Dowladda, Agaasimaha Miisaniyadda, Furdooyinka iyo xubno kale oo ka tirsan Dakhliga, Xisaabaadka iyo Waaxda Miisaaniyadda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa madaxda Wasaaradda su’aallo ka waydiiyey waxaana uu boggaadiyey mas’uuliyiinta soo diyaariyey  Miisaaniyadda iyada oo ay ka muuqatay dadaal iyo horumar ballaaran.

Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2023 ayaa la hor gayn doonaa Golayaasha Dowladda si loogu sameeyo meel marin lana dhaqan galiyo sanadka 2023 si waafaqsan xeerarka Dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.