Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka qayb galay Daah-furka Shaqadda Ballaarinta iyo Horumarinta Dekedda Boosaaso[Sawirro]
BOOSAASO – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah u daah-furay shaqada ballaarinta iyo horumarinta lagu sameynayo Dekedda magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Munaasabadda lagu daah-furayay shaqadda ballaarinta iyo horumarinta Dekedda Boosaaso oo ka dhacday gudaha Dekedda ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cisman, CEO-ga iyo Agaasimaha Maamulka DP-WORLD ee Bariga Dhexe iyo Africa Suhail Al-Banna, mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, isimada dhaqanka, siyaasiyiin, haldoor, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo masuuliyiin kale.
Dekedda ayaa la balaarin-doonaa 450m, iyadoo 150m ee ugu horeeyay hadda la billaabayo, waxaana sidoo kale qorshuhu yahay in hoos-u-qodka Badda la gaarsiiyo 11m, waxaa intaa dheer u diyaarinta Dekadda Mid awood u leh Maraakiibta waa-weyn inay kusoo xirtaan, konteenarada guurguura, Mashiinada iyo Agabka shaqo ee Dekadda yeellanayso.
Baahintii
Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments