Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda oo kormeeray Dekedda magaalada Boosaaso[Sawirro]
BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowadda Puntland Mudane Maxamed Cabdirixmaan Dhabanacad, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid “Juxaa” iyo Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa kormeeray Dekedda magaalada Boosaaso.
Xubnaha Wasiiraddan oo maalmahan u joogay Boosaaso howlo guud oo ay ugu horraysay tan Doorashooyinka ayaa kormeer ku sameeyay habsami u socodka shaqada Dekedda magaalada Boosaaso oo meel wanaagsan maraysa.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdirixmaan Dhabanacad oo kormeerkooda ka hadlay ayaa sheegay in shaqada Dekedda Boosaaso u socoto si baaxad leh oo wanaagsan. Wuxuu u mahadceliyay mas’uuliyiinta gacanta ku haysa Dekedda, shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee Kastamka gacanta ku haya iyo ciidanka amniga.
Mudane Dhabanacad ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dib u casriyaynta shaqada Dekedda Boosaaso iyo nidaamka lagu shaqeynayo taasoo loo fududeynayo shacabka iney si fudud u cashuuran karaan badeecadaha ay kala degaan Dekedda.
Bishan koowaad dhowr iyo labaatan keeda ayaa la daah-furi doono dhismaha dekedda sida uu mar kale sheegay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdirixmaan Dhabanacad.
Ugu dambeyn, Xubnahan Wasiiradda ayaa xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowldda Puntland ee Dekedda shir kula qaatay maamulka Dekedda iyo Injinireeada shirkadda gacanta ku haysa dhismaha iyo ballaarinta dekedda DP World.
Baahintii
Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntlandda.
0 Comments