Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland iyo Wafti uu hoggaaminayo oo gaaray Muqdisho[Sawirro]
MUQDISHO -Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Muqdisho.
Wasiirka Iyo Waftigiisa ayaa kaga qayb galaya Muqdisho shir u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Maaliyadda Dowladaha xubnaha ka ah DFS.
Waftiga Wasiirka , waxaa kamid ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabdi Cilmi iyo Agaasime Kuxigeenka Guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments