Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland iyo Wafti uu hoggaaminayay oo safar shaqo ku tagay Qardho[Sawirro]

QARDHO – Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaraadda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maantay safar shaqo ku tegay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kaarkar.

Waftiga Wasiirka waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Dekadaha Mudane Axmed Yaasiin Saalax, Wasiir Ku-xigeenka Wasaraadda Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi, ku-xigeenka Agaasime Guud ee Dhakhliga Mudane Abshir Maxamed Abshir iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka waxaa degmada Qardho ku soo dhoweeyay Taliyaha qaybta gobolka Karkaar, Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka iyo mas’uuliyiin kale oo Dowladda ka tirsan.

Mas’uuliyiinta uu hoggaaminayey Wasiirka ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Cashuuraha Berriga, waxaana uu kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, waxaana Wasiirku warbixino uu ka dhegaystay Xisaabiyaha Gobolka iyo Madaxda Dhakhliga ee gobolka Karkaar.

Wasiir Maxamed Abdiraxmaan Dhabancad ayaa Madaxda iyo shaqaalaha kula dardaarmay in la dardargeliyo dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.