Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo booqasho ku tagay Dekadda Garacad[Sawirro]

GARACAD – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo uu weheliyo Safiirka dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku tagey Dekadda magaalada Garacad.

Mas’uuliyiintan waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Madaxda Shirkadda Wadaagsan iyo TTN oo gacanta ku haya dhismaha Dekadda Garacad.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa kulan la qaatay madaxda Shirkadda Wadaagsan iyo TTN oo warbixin ka bixiyey meesha ay marayso shaqada dhismaha Dekadda Garacad.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa kulan gaar ah la qaatay qaybaha bulshada ee deegaanka Garacad, asagoo kala hadlay arrimaha horumarka iyo hannaanka dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka ka socoda Puntland.

Wasiir Dhabancad ayaa dadka deegaanka kula dardaarmay in ay si buuxda ugu diyaar garoobaan doorashada loo madlan yahay 25ka Bisha May 2023.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.