Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo xilka kala Wareegay Wasiirkii hore[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dowadda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi.

Munasaabada xil wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha Dowladda Puntland Guddiga xil wareejinta, mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo marti  sharaf kale.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa munasabadda ka soo jeediyey hadal-jeedin ku adan waxyaabihi u qabsoomay mudadi u xilka hayay.

Dhinaca kale Wasiirkii hore ayaa Wasiirka cusub Alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka adag ee loo igmaday.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo xilka la wareegay ayaa dhankiisa mas’uulintii hore ee Wasaraadda uga mahad-celiyay shaqadii wanaagsanayd ee ay soo qabteen , waxaana uu ballan qaaday in shaqada halkeeda uu ka sii wadi doono.

Uga danbayntii Wasiir Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda oo kamid yahay Xafiiskiisa cusub, iyada uu halkaas looga siiyay warbixin kooban oo ku aadan habsami u socdka shaqada Wasaaradda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.