Wasiir Maaliyadda Puntland oo Xariga ka jaray Dhismayaal cusub[Sawirro]
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe(Dhaqaje) ayaa xariga ka jaray dhisme cusub oo ay leedahay Wasaaradda Maaliyadda taasoo loogu talagalay Keydka Xogta Wasaaradda(Archive Office) iyo Masjid cusub.
Xafladda furitaanka dhismayaasha cusub ayaa ,waxaa ka qeybgalay Agaasimaha guud ee W/Maaliyadda Cabdirisaaq Maxamed Xasan,Agaasime kuxigeenka dakhliga W/Maaliyadda Puntland Cismaan Buux Cali,Agaasime Kuxigeenka Maamulka Cali Jaamaca Gaashaan.
Ugu horeyn ayaa waxaa ka hadlay madasha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Xasan,wuxuuna sheegay in dhismaha cusub loogu talagalay Keydinta Xogta W/Maaliyadda,taasoo loo qalabeyn doono qaab casri ah,waana mid wax weyn ka tari doona in la helo xogta Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe(Dhaqaje) ayaa sheegay in dhismahan lagu dhisay Isku-tashi dowladda lagana dhisay khasashka Wasaaradda ee OT ee shaqaalaha(Over Time).
Wasiirka ayaa sidoo kale xariga ka jaray Masjid ku dhexyaala xarunta Wasaaradda Maaliyadda kaasoo loogu talagalay in shaqaalaha iyo dadka kale ay ku tukadaan salaada,waxaana dhismahan fulisay Shirkadda Daawad Construction Company.
Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda Puntland
Xafiiska Garoowe
0 Comments