Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay goobaha Dakhliga ee Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cali Cumar Caarshe ayaa koormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay Dekadda Boosaaso.

Maamulaha Furdada Boosaaso Maxamed Yuusuf ayaa Wasiirka kusoo dhoweeyay halkaas, ugana warbixyey hannaanka shaqada ee cashuurahu u socdaan.

Wasiirka ayaa kormeeray Dekadda oo ay ka socotay shaqo maalmeedkeeda cashuurista Badeecadaha ay keenaan doonyaha iyo Maraakiibtu.

Cali Cumar Caarshe ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta Furdada kulankuna waxaa u salka ku hayay xogta-dheeriga ah ee shaqooyinka.

Soo kale, Wasiirka ayaa kormeer shaqo ku tagey Kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay garoonka diyaaradaha Boosaaso, waxana uu la kulmay madaxda Kastamka.

Ugu danbeyntii, Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Cali Cumar caarshe ayaa mas’uuliyiinta ugu mahad-celiyay sida wanaagsan ee ay shaqada u wadaan, waxaana u xusayay in loo bahanyahay dar-dar galin dhanka shaqada dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.