Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Xariga ka jaray Kastamka Wasaaradda ee degmada Buurtine(Sawirro)

BUURTINLE – Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cumar Cali Caarshe ayaa xariga ka jaray dhisme cusub oo uu leeyahay xafiiska Dakhliga ee degmada Buurtinle eegobolka Nugaal. Mudane Cumar Cali Caarshe ayaana kormeer ku sameeyay Xafiiska dakhliga.

Maamulaha Dakhliga ee degmada ayaa xusay shaqadii laga soo qabtay in la dhiso xafiiskaan maadama uu ahaa baahi joogta ah oo loo baahnaa in la sameeyo.

Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Abshir Maxamed Abshir ayaa xusay in sanad ka hor laga dhagax dhigay dhismahaan ayna ahayd arrin ay soo jeediyeen bulshada deegaanka, madaxda Wasaaradduna ay ku dhiiratay in si degdeg ah loo dhiso xafiiska si loogu soo dhaweeyo adeegga cashuuraha,

Dhanka kale Agaasimaha ayaa sheegay in Wasaaraddu ay dib ugu celisay cashuurtii in laga dhiso dhisme , waddooyin iyo horumarin kale.

Ugu dambayn Wasiir Cumar  Cali Caarshe ayaa uga mahad celiyey bulshada reer Buurtinle sida wanaagsan oo ay u bixiyaan cashuurta iyadoo uu uu ku boggaadiyay in si wanaagsan loo bixiyo cashuuraha maadaama cashuurtu ay tahay arrin waajib ah luguna horumarin doono adeegyada iyo baahiyaha bulshada.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.