Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo soo dhaweyn u sameeyay Madax ka socotay Dowladda Koonfur Galbeed[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Madane Cumar Xasan Fiqi oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo dhawayn u sameeyay wafdi ka socday Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo booqasho aqoon kororsi ah u yimi Puntland.

Wafdiga oo ay kamid yihiin La-taliyaha Madaxwaynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Dr. Maxamed Ibrahim , Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose iyo saraakiil kale oo ka socday xafiisyada dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda ee Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa u jeedkiisu ahaa la wadaagista aqoon kororsi ku saabsan hannaanka Maaliyadda iyo kobcinta dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ay hormuudka uga tahay Dowladda.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa wafdiga u soo bandhigay xogaha dakhliga iyo Miisaaniyadda ee Dowladda Puntland, ilaha dakhli iyo sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen dakhliyada dowladda Koonfur Galbeed oo la kicin karo.

Ugu damabayn Wasaaradda Maaliyadda ayaa ballanqaaday in ay diyaar u tahay inay garab ku siiso Dowladda Koonfur Galbeed sidii ay u dardar galin lahayd dakhligooda.

  Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.