Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo shir la qaatay Guddi Farsamo oo kasoo talla bixiya Mashaariicda Bangiga Adduunka ee ka socda Puntland[Sawirro]
GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa maanta shir guddoomiyey Kulan heer farsamo oo ah oo looga hadlaayey mashaariicda Bangiga Adduunka ee ka socda Puntland.
Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulankii shalay looga hadlaayey mashaariicda Bangiga Adduunku ka fuliyo Puntland ayna yeesheen Madaxda Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dowladda.
Guddiga farsamo ee shalay loo saaray in ay xal waara iyo tala bixin ka keenaan Mashaariicda Bangiga Adduunka ayaa waxaa madax u ah Wasiir Cumar Fiqi.
Ugu dambayn, Guddiga oo maanta yeeshay kulan koodii ugu horreeyey waxaana laga sugayaa in ay dabagalaan xal u helidda caqabadaha Mashaariicda Bangiga Adduunku ka fuliyo Puntland, isla markaana ay ka soo gudbiyaan warbixin dhammaystiran.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments