Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo shir guddoomiyay shir looga hadlay Tayaynta Hay’adaha Dowladda(Sawirro+Muuqaal)

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cumar Xassan Fiqi ayaa maanta shir guddoomiyeey shir ay isugu yimadeen Madaxda mashaariicda ay Bangiga Adduunka Puntland ka wadaan.

Shirka ayaa waxaa Kasoo qayb Galay Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Keenadiid Cali Jaamac, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Sh/Shaqaalaha iyo Madaxda Mashruuca Tayaynta Hay’adaha Dowladda ee Capacity Injection Project Mr Gregory Kasunga.

Shirka ayaa Muhiimadda lagu saaray qorshayaasha Fulay ee mashruuca Tayaynta Hay’ada Dowladda ee CIP, iyo qorshayaasha hortebinta leh ee u qorshaysan mashruuca CIP.

Dhinaca keale waxaa si gaar ah diiradda loo saaray Shaqaalaha Bangiga Adduunku ka tageero Puntland, Nidaamka Mushahar kordhinta ( Pay and Grading Reform) Nidaamka Hawl-gabka Shaqaalaha Rayidka ah iyo sidii Dowladda ay u qaadan lahayd doorka kaga aadan.

Ugu danbayntii shirka ayaa ku soo dhamaaday si guul ah, waxaana loo balamay in si habsami leh loo tabiyo qorshaha Dowladda ee ku dhisan Tayayn iyo Tiigsi.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.