Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Madaxda Hay’adda UNCDF/JPLG ee Soomaaliya(Sawirro)
GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa kulan la yeeshay Madaxda ugu sareysa Hay’adda UNCDF/JPLG Soomaaliya oo kala ah Mkhululi Ncube, Bob Turdiye iyo Madaxa Hay’adda UNCDF ee Puntland Maxamed Shire Jaamac.
Kulankan sidoo kale waxaa kala qayb galay Cabdi Fataax Maxamed Muuse oo u qaabilsan Mashruuca LDF Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.
Kulankan intii uu socday ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Horumarka laga garay daadejinta Maaliyadeed, Saamaynta Guddiga Dhaqaalaha Degmooyinka (Local Government Finance Committee), u diyaar garowga Mashruuca cusub ee laga daahfuri doono magaalada Boosaaso bisha July, Mashrucasi oo loogu magac daray ” Xalka Waara (Durable Solutions) Iyo in Dowladda ku mahadsan tahay bixinta qoondada oo ay laba jibarantay
Hay’adda UNCDF waxay fulisa Mashruuca LDF – ( Local Development Fund) Sida dhisidda Waddoyinka, Dhisidda MCH, Dhismayasha ay Degmooyinka u baahan yihin iyo Dayactirka Isbitaalada iyo Iskuulada.
Mashruucan ayaa ah mid laga hirgaliyay Puntland waxana uu ka shaqeeya 11-Degmo ee Dowladda Puntland.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments