Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagey Kastamka Faleydhyaale ee gobolka Sool(Sawirro)

SOOL – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan)iyo Agaasimaha Furdooyinka Puntland ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Faleydhyaale ee gobolka Sool .

Kormeerka Wasiirka waxaa ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Guuto Maxamed Cali Xaashi,Taliyaha Ilaalada Cashuuraha W/Maaliyadda Puntland G/sare Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Iyo Saraakil Kale oo ka tirsan Dowlada Puntland.

Wasiirka ayaa Warbixin ka dhageystay hawl wadeenada Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Sool iyo habsami u socodka shaqada Kastamka.

Dhinaca kale, Cabdi Ibraahim Warsame “Qowdhan” Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Iyo Taliyaha Ciidamada Booliska S/Guuto Maxamed Cali Xaash ayaa dhagax-dhigay Saldhiga deegaanka Faleydhyaale.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.