Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Nugaal[Sawirro]
GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cali Cumar Caarshe ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Nugaal.
Wasiir kuxigeenka waxa kormeerkiisa qayb ka ahaa Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga, Xisaabiyaha gobolka Nugaal iyo madaxda dakhliga ee gobolka.
Mudane Caarshe ayaa u kuurgalay shaqada socota , madaxda dakhliga ayaana xogo ka siiyay hab-sami u socodka shaqooyinka ka socda xarunta gobolka.
Wasiir ayaa fariin u diray bulshadda ku dhaqan Puntland , wuxuu sheegay in cashuurta laga qaado bulshadda lagu bixiyo adeegyada kala duwan ee ay bulshadu ka rabto dowladda, isagoona ku dhiirigeliyay shaqaalaha shaqada ay u hayaan shacabkooda.
Dadka la dhuunta cashuurta ayuu sheegay iney tallaabo ka qaadi doonaan halka kuwa bixiyana la abaal-marin doono.
Sidoo kale Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cali Cumar Caarshe ayaa kormeer ku tagay dhismaha xarunta cusub ee dakhliga Wasaaradda oo dhismaheedu marayo meel gabagabo ah.
Dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay in magac baddelka gaariga iyo qaadashada Buugga lahaanshiyaha gaariga loogu sameynayo shacabka si lacag la’aan ah ayna ka faa’ideystaan fursadaas, Haddii la dhaafo muddada lagu asteeyey, waxaa ku waajibaya muwaadinka khidmadii Dowladda iyo ganaax maaliyaddeed.
Baahintii
Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments