Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay magaalada Boosaaso(Sawirro)
BOOSAASO – Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cali Cumar Caarshe iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa kormeer shaqo ku gaaray magaalada Boosaaso.
Safarkan, Wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasimaha Furdooyinka Puntland Mahdi Cabdiqaadir Faarax Qambi iyo mas’uuliyiin kale oo tirsan Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.
Wasiirka ayaa kormeer uu ugu kuur galayo siday u shaqeeyaan goobaha dakhliga gobolka Bari ku tegay Kantaroolka iyo Dekadda Boosaaso.
Goobaha dakhliga ee gobolka Bari waxaa ka socday shaqooyin kala duwana xiliga uu Wasiirku kormeerka shaqo ku marayay.
Wasiirka, waxaa warbixin ka siiyay siday shaqooyinku u socdaan Maamulaha dekadda Boosaaso Maxamed Yuusuf, isagoon sheegay in ay dar-dargaliyeen dejinta badeecadaha.
Wasiir kuxigeenka Maaliyadda ayaa kulan isagu yeeray mas’uuliyiinta Iyo shaqaalaha Wasaaradda, isagoon ku amaanay shaqada wanagsan ee ay Shacabka u hayaan, waxana uu kula dar-daarmay in la sameeyo koboc dakhliga
Baahintii





















Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments