Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Kastamka Faleydhyaale ee gobolka Sool[Sawirro]
GAROOWE – Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland Mudane Cali Cumar Caarshe ayaa koormeer shaqo ku tagay Kastamka Faleydhyaale gobolka Sool.
Koormeerka waxaa Wasiir Kuxigeenka ku waheliyay Taliyaha Illaalada Cashuuraha Puntland Cabdiwaaxid Suldaan Abdalle,Taliye ku xigeenka Ilaalada Canshuuraha Puntland Cabdiraxmaan Axaaji Abshir, Taliyaha kastamka gobolka Sool iyo mas’uuliyiin kale
Mas’uuliyiinta Kastamka ayaa Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda uga warbixiyay qaabka shaqadu ay u socto.
Cali Cumar Caarshe, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa ku boggaadiyay shaqada wanaagsan ay Bulshada u hayaan, sidoo kale waxaa u Wasiirku digniin adag u diray Ganacsatada ku hawlan in ay Cashuurta la dhuunta kulana baxsaadaan habka loo yaqaan Barmuudada isagoona sheegay in cidi lagu qabto tilaabo sharci ah laga qadi doono.
Baahintii
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments