Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo ka qaybgalay Shirka Dib u eegista Barnaamijka Horumarinta Dowladaha hoose ee JPLG(Sawirro)

GAROOWE – Wasiir kuxigeenka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi iyo Agaasime Kuxigeenka Guud ee  Maamulka Wasaaradda Mudane Keenadiid Cali Jaamac  ayaa ka qayb galay shirka Dib u eegista Barnaamijka Horumarinta Dowladaha hoose ee JPLG.

Shirkan oo ay qayb ka ahaayeen Wasaaradaha Dowladda Puntlnd, Guddoomiyayaasha gobolada, Maayarada degmooyinka iyo Hay’addaha deeq bixiyaasha ah ayaa intii uu socday, waxaa looga hadlay waxqabadyadii Dowladda iyo wixii laga faa’iday Barnaamijka JPLG-ga.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa waxqabadka Wasaaraddaha dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.