Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo ka qaybgalay Shir ku saabsan Mashaariicda Bangiga Adduunku ka wado dalka(Sawirro)

GAROOWE – Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa ka qayb galay shir ku saabsanaa Mashaariicda Bangiga Adduunka uu ka wado dalka.

Shirkan oo socday saddex toddobaad kuna qabsoomay habka muuqaal baahiyaha ee ZOOM-ka ayaa la soo gabagabeeyay waxaana ka qayb galay Bankiga Adduunka, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Ujeedada shirka ayaa ahaa sidii la isula qaada dhigi lahaa Mashaariicda PFM/DRM iyo CIP oo in muddo ah ka socday Soomaaliya isla markaana wajigiisa kowaad la soo gabagabeyn doono sannadka soo socda bartamihiisa.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Cumar Fiqi oo ka hadlay shirka ayaa u mahadceliyay Bangiga Adduunka iyo madaxda iyo howl-wadeenada Puntland ee usoo hoyay horumarka Puntland ka sameeyay Mashaariicdan.

….” Rabi ayeey mahad oo idil u sugnaatay, Waxaan u mahadcelinaya Bangiga Aduunka, waxaan kalo si gaara ugu mahad naqaaya dhamaan madaxda iyo hawl-wadeenada Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed oo amaan u soo hoyay horumarka Puntland ka sameeysay Mashaaricdaan. Waxaana rajeynaya in wajiga dame uga waxtar badnaado shacabka reer Puntland ee Soomaaliyeed….” ayuu yiri.

Shirkan oo guul kusoo dhammaaday ayaa waxa dhanka Bangiga Adduunka uga qayb gashay madaxa Bangiga adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.