Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo ka qayb galay Shirka Nidaamta wareejinta maaliyadeed ee Dowladaha Hoose iyo diyaarinta Xeer Nidaamiyaha(Sawirro)
GAROOWE – Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi ayaa ka qayb galay shir ku saabsan Nidaamta wareejinta maaliyadeed ee Dowladaha Hoose iyo diyaarinta Xeer Nidaamiyaha.
Shirkan oo ay goobjoog ahaayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdiweli Mire Xirsi oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Maxamed Cali Nuur Jubba.
Shirkan sidoo waxa kasoo qayb galay dhammaan Guddoomiyaasha 11 ka degmo ee uu ka shaqeeyo Mashruuca hormarinta degmooyinka ee JPLG, Wasaaradaha ay qusayso, Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka (Champion Office) iyo hay’adaha bahwadaagta la ah Dowladda Puntland.
Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi oo shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa ayaa ku bilaabay sidan :
Sida aad la wada socotaan decentralization reformka waxaa taageero wayn ka gaysta mashuuraca JPLG kaas oo ay wada fuliyaan 5 hayadood oo UN ta ah iyo wasaaradaha Dawladda Puntland. Sida aan lawada socono mashurucani waxa uu wax badan ka bedelay degmooyinka haydii ay noqon lahayd awooda shaqaalaha/ capacity of staff, infrastructure ka iyo adeeyada ay bixiyaan dawladaha hoose.
Hadii aan warbixin idinka siiyo sanadka 2021 ee aan ku jiro waxaa la hirgaliyey qaybna ay soctaa mashaariic lacagtoodu dhanhay US$ 1,617,794 (Hal Malyan lix boqol todobo iyo toban, todobo boqol iyo sagashan iyo afar). Mashaariicdaas oo ay lacagtooda isla bixiyeen UNCDF/JPLG iyo wasaarada maaliyada dawlada Puntland.
Mashaariictas waxa ay isugu jireen horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dayactiro xarumo dadweyne iyo kor u qaadista adeegyada Waxbarashada, Caafimadka iyo Biyaha .
Lacagahaas waxa ay wada gareen inta badan degmooyinka Puntland. Waxaa xusid mudan in wasaarada Maliyadu ay sanadka 2021 ay lacago u siidaysay degmooyinka Badhan, Buuhoodle iyo isku-shuban lacagahaas oo ay degmooyinkaasi kula tacaalayeen aafadii cabuqa COVID-19.
Waxan kale oo aan fursadaan uga faa’iidaysanayaa in aan idin xusuusiyo in guulo waawayn laga gadhay reforms badan oo lagu saxaayey hababka maaliyada iyo dakhliga dalka iyada daadajinta lacagahana ay mudanaanta kowaad u tahay. Hada si ay dadaaladaas u noqodaan miro dhal waxaan dhamaan idinka codsanayaa in aad isticmaashaan systemka wasaarada dhamaan ee la xiriira lacagaha, xisaabaha iyo dakhliga.
Ugu danbayn, aniga oo ka faa’iidaysanayaa fursadaan ay wada joogaan dhaman wasaradaha dawlada Puntland iyo mayarada degmooyinka wawayn ee Puntland waxaan soo dhawaynayaa samaynta nidaamka maamulida wareejinada maaliyadeed ee dowladaha hoose., wasaarada maaliaydu waxa kabtaa JPLG program, waxay wax ku bixisaa amniga magaalooyinka waawayn, lacagahaas waxay ka midyihiin wareejinada maaliaydeed ee dowladaha hoose, waxan soo dhawaynaynaa in loo sameeyo nidaam maamuleed oo loowada jeedo.
Waxaan u mahadcelinayaa hayada UNCDF oo inaka taageertasa samayn nidaamka wareejinada Maaliyada ee dowladaha hoose (Intergovernmental fiscal transfer regulation).
Waxan rajaynaa in aan loo kala kicin maanta uu shirku socdo oo si fiican looga dodo dhamaan agendayaasha, si uu khabiirku u soo saro report waxtar leh.
Ujeeddada shirkaan ayaa ahaa sidii Dowladda Puntland ay u yeelan lahayd nidaam qeexaya wareejinta maaliyadeed ee Dowladaha Hoose, loona diyaarin lahaa xeer nidaamiye qeexaya habka wareejinta maaliyadeed ee Dowladaha Hoose.
Baahintii


















Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments