Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Howlo shaqo ku tagey gobolka Haylaan(Sawirro)

HAYLAAN – Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) ayaa hawlo shaqo ku tagay gobolka Haylaan.

Safarka Wasiirka , waxaa ku weheliyey Taliyayaasha Laamaha Ilaalada Canshuuraha gobolada Puntland ee Karkaar,Sanaag iyo Haylaan.

Wasiirka ayaa booqaday baraha Dakhliga ee ay Wasaaradda Maaliyaddu ka hirgalisay degaanada kala ah Baraagaha-Qol iyo Kala dhacda, waxana uu la kulmay Maamulaha cashuuraha Berriga ahna maamulaha Dakhaliga labada gobol Haylaan iyo Sanaag Cali Cabdulaahi Cabdi oo ka warbixiyay habsami u Socodka Shaqada gobolka Iyo baahiyaha shaqo ee ka jira baraha dakhli.

Wasiir kuxigeenka iyo waftigiisa ayaa u gudbay degmada Dhahar ee caasimada gobolka Haylaan, waxana halkaasi ku soo dhoweeyay Guddoomiye degmada Dhahar iyo Xildhiban Mahdi Siciid Xasan, iyaga oo si wadajir ah uu Dhagax-Dhigay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee degmada Dhahar, waxa uuna Wasiirku sheegay In dhawaan la bilaabi doono dhismaheeda.

Maamulaha cashuuraha Berriga degmada Dhahar Salaad Siciid Jibe ayaa Wasiirka xog-dheeri ah ka siiyey Shaqada Maalinlaha ah ee ka socota degmada Iyo deegaanada hoostaga , isagoo sheegay guulaha dakhli ay gaadhen iyo Baahiyahooda shaqo .

Ugu dambayn Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland safarkiisa ku soo af-meeray Kastamka Alxamdulilaah oo ka tirsan Ggobolka obolka Karkaar.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.