Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo gobolka Sanaag ka dhagax dhigay dhismaha cusub ee Maaliyadda Puntland iyo Bangiga Dowladda(Sawirro).
BADHAN – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) ayaa manta gaaray degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.
Dagmada Badhan, Wasiirka waxaa ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha gobalka Saciid Axmed Jaamac, Duqa degmada Axmed Maxamed Timir, Taliyaha qaybta G/sare Cabdikariin Maxamed Cabdulle, Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Sanaag iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirka ayaa booqaday xarumaha Dowladda sida, Wasaaradda Maaliyadda, Degmada, Gobolka, Taliska Qaybta Bangiga, Garoonka iyo xarumo kale
Dhinac kale Wasiirka ayaa dhagax dhigay dhismo cusub oo ay yeelanyso Wasaradda Maaliyadda iyo Bangiga kaasoo laga hirgalinayo degmada Badhan.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa warbixin ka dhageystay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyagoo warbixin ka siiyay heerka dakhliga ee gobolka Sanaag.
Wasiir kuxigeenka Wasaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdi warsame (Qawdhan) ayaa mudooyinki danbe hawlo shaqo ku maraayay gobolada Karkaar, Haylaan Iyo Sanaag.
Baahintii









































Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments