Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo gaaray Gaalkacyo[Sawirro]

4A3F9B2B-1186-4287-9957-F99653EA8081.jpg

GAALKACYO – Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Gaalkacy.

Cumar Xasan Fiqi , Wasiir kuxigeenka Maaliyadda ahna siihaya Wasiirka booqashadiisa gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ayaa qayb ka ah dardar galinta shaqada iyo kor u qaadida Dakhliga.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda ahna siihayaha xilka Wasiirka Maaliyadda Mudane Eng Cumar Xasan Fiqi oo ku sugan Gaalkacyo ayaa ka hadlay Kastamka Tuurdibi iyo kormeer shaqo oo ku tagay goob kale.Muuqaalka hoose ka daawoBaahintii Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Posted by Wasaaradda Maaliyadda Puntland on Wednesday, November 27, 2019

Wasiirka waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda oo uu hormuud ka yahay Xisaabiyaha Wasaaradda ee gobolka iyo mas’uuliyiinta kale.

Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran, waxana uu kor meer shaqo ku tegay xarunta Wasaaradda waxana uu soo arkay habka ay shaqadu u socoto.

Kulan saacado qaatay ayaa looga hadlay kor u qaadida dakhliga waxana Wasiirku shaqaalaha iyo madaxda kula dardaarmay in ay muujiyaan dadaal dheeraad ah.

Wasiirku- xigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi oo ay weheliyaan Xisaabiyaha Gobolka Cumar Nuur Geesay ayaa kormeer shaqo ku tegay Kastamyada Kantaroolka Koonfureed iyo Kastamka Laanta Dusmada.

Wasiir kuxigwenka Maaliyadda Dawladda Puntland ahna siihayaha xilka Wasiirka Maaliyadda Mudane Eng Cumar Xasan Fiqi oo hawlo shaqo u jooga magaalada Gaalkacyo ayaa booqday xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Kastamyada Wasaaradda.Muuqaalka hoos ka daawo Baahintii Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafintap Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Posted by Wasaaradda Maaliyadda Puntland on Wednesday, November 27, 2019

Madaxda Kastamyadaasi ayaa Wasiirka Xog-dheeraad ah oo ku aadan shaqada la wadaagay xili hawlo shaqo halkaasi ay ka socdeen.

Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa tacsi u diray Bulshada reer Puntland gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha ha u naxariistee Taliyihii Kastamada gobolka Mudug, Xasan Hiraabe oo dhowaan Gaalkacyo lagu dilay.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi inta uu ku sagan yahay gobolka Mudug haddii Alle idmo waxa uu booqan doonaa qaybo kamid ah degmooyinka gobolka Mudug.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.