Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo furay shir u dhaxeeya Puntland iyo Madax ka socotay Bangiga Adduunka(Sawirro)
GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi ayaa daah-furay shir u dhexeeya madax ka socotay Bangiga Adduunka iyo Dowladda Puntland.
Shirkan oo looga arrinsanayo sidii ay noqon lahaayeen qaab-dhismeedka iyo Maamulka Mashaariicda cusub ee Bangiga Adduunku ka fulin doono guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana Puntland.
Agaasimaah Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Dr. Maxamed Cabdi Cilmi ayaa daadihinaayay shirkan, Waxaana kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee Dowladda sida Hantidhowrka Guud, Xafiiska Xisaabiyaha Guud, Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah, Waaxda Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo mashaariicda DRM-PFM iyo CIP.
Mashaariicda dhowaan la hirgelin doono ayaa is bedel lagu sameeyey qaabkii ay horey u ahaayeen, iyadoo lagu mideeyey hal mashruuc oo loo yaqaan (SERP- Somalia Enhancing Public Resource Management Project), Mashruucaan SERP oo lagu mideeyey mashaariicdii horey loo oran jiray PFM, DRM iyo CIP Proejcts.
Shirkan intii uu socday ayaa laga gaaray is afgarad fiican waxaana dhici doona kulamo kale oo looga sii wada hadli doono sidii loo maamuli lahaa mashaariicdan dhowaan la daah furi doono si Shacabka Puntland uga faa’iideysan lahaayeen Deeqaha Bangiga aduunka la soo marsiiyo.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments