Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland iyo wafti uu hoggaaminayo oo gaaray Buurtinle(Sawirro)
BUURTINLE – Waxaa maanta magaaladda Buurtinle ee gobalka Nugaal gaaray wafti uu hogaaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) ayna kamid ahaayeen Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane, Agaasimaha Waaxda Kastamada, Xisaabiyaha gobalka Nugaal, Maamulaha Kastamka iyo Taliyaha laanta ilaalinta Cashuuraha gobalka Nugaal.
Waftiga ayaa kulan la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmada Buurtinle iyagoo ka dhagaystay baahiyaha degmada, kalana hadlay dardargelinta cashuuraha degmada.
Ugu horayn Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo kamida Baarlamaanka Dawlada Puntland, lagana soo doorto degmada Buurtinle ayaa sheegay in mudadii uu talada hayey Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, magaalada laga hirgeliyey horumaro la taaban karo, kuwa kalena ay hadda qorshaysan yihiin, wuxuuna dadka degmada ku-guubaabiyey in ay bixiyaan cashuuraha ku waajibay.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda oo shirka soo xiray ayaa isaguna tilmaamay in ay Puntland ka socdaan horumaro balaaran, sida dib u habayn ciidamada, dhaqaalaha, garsoorka iyo u guurista hanaanka xisbiyada badan, wuxuuna sheegay in horumaradaas oo dhan laf dhabar u tahay canshuurta ay muwaadiniintu bixiyaan, loona baahan yahay qof kasta oo reer Buurtinle ah inuu bixiyo canshuurta ku waajibtay.














Baahintii
Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments