Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar u furay xubno ka socday degmooyinka Puntland[Sawirro+Muuqaal]
GAROOWE – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa daahfuray wajiga labaad tababar socon doona mudddo 12 maalmood ah oo loo qabanayo Dowladaha Hoose ee Degmooyinka BUURTINLE, EYL, JARIIBAN , BEYLA IYO GALDOGOB.
Tababarkan oo ujeedkiisu yahay kor u qaadista cilmiga Technology Shaqaalaha Dowladda Hoose (ICT Training ) iyo Systemka FMIS.
https://youtu.be/l9hYPlssRJo
Daah-furka tababarka ICT-FMIS, waxaa ka soo qayb galay Madax ka kala socoto Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hay’ada UNHABITAT oo gacan ka geysaneysay Barnaamijkan.
Barnaamijka FMIS waa Hab casri ah oo Computerized ah, Ujeedada ugu weyn ee loogu tala galay wuxuu yahay daah-furnaanta, isla xisaabtanka iyo fududeynta Shaqada, sidoo kale in uu u fududeeyo cashuur bixiyaasha in ay si fudud u bixiyaan cashuurta ku waajibtay, iyagoo helaya fariin SMS, kadibna ay si fudud u bixinayaan cashuurta iyagoo aan iman Xafiiska, taasoo kor u qaadeysa Dakhliga Degmooyinka.
FMIS waxaa uu meesha ka saaraysa jiritaanka gabi ahaanba musuq-maasuqa, horey waxaa ugu guuleystay hirgalintiisa Degmooyinka Garoowe, Boosaaso, Qardho iyo Gaalkacyo.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.
0 Comments