Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo qaabilay Madaxa Hay’adda UNCDF ee Soomaaliya[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNCDF ee Soomaliya Mkhululi Ncube.

Kulanka ayaa looga wadahadlay mashaariicda JPLG kawa dhammaadka ah iyo kuwa la bilaabay sannadkii hore,waxana laysla qaatay in horumar laga sameeyo dhammaan mashaariicda, bulshaduna ay ka faa’idaysato.

Madaxa UNJPLG/UNCDF  Mkhululi Ncube ayaa u mahadceliyay wada shaqaynta Wasaaradda Maaliyadda, taas oo uu aad u boggaadiyey shaqadooda. Waxana Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi uga mahad ceshay soo dhowaynta iyo warbixinta guud ahaaan Puntland iyo doorashooyinka uu ka siiyey.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.