Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku tagey xarumaha Dakhliga ee Boosaaso(Sawirro)

BOOSAASO – Wasiir kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cali Cumar Caarshe oo Maalintii 2-aad ku sugan magaalada Boosaaso ayaa kormeer ku tagay Goobaha kala duwan ee Dakhliga Sida Garoonka diyaaradaha, xarunta Cashuuraha Berriga iyo Bangiga.

Waxaa Kormeerka Ku wehelinayey Agaasimaha Furdooyinka Puntland Mudane Mahdi Abdiqaadir Faarax(QAMBI) Iyo Taliyaha Canshuuraha Gobolka Bari Cornayl Maxamed Baari.

Wasiirku intii uu ku guda jiray Kormeerkan shaqo waxa uu xog dheeri ah ka helay hannaanka shaqo iyo soo xeraynta dakhliga, waxana uu ku boggaadiyay madxda iyo shaqaalaha in la adkeeyo mas’uuliyada shaqo ee ay bulshada u hayaan , isagoona shaqaalaha cod dheer ugu sheegay in ay muhiimada siiyaan dar-dargelinta dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.