Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku tagey degmada Galgodob[Sawirro]
GALDOGOB – Wasiir kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cali Cumar Caarshe iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa kormeer shaqo oo ku aaday dar’dar galinta dakhliga degmada Galdogob.
kormeerka shaqo Wasiirka, waxaa ku weheliyey Agaasimaha Furdooyinka, Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug iyo Taliyaha Ciidanka illaalada Cashuuraha Dowladda Puntland.
Wasiirka ayaa booqday xarunta Wasaaradda Maaliyadda degmada, waxana uu la kulmay madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda oo warbixin ka siiyay hannaanka shaqo ee soo xeraynta dakhliga.
Intii uu Wasiirku ku sugnaa xarunta Wasaaradda Maaliyadda waxa uu Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda kula dardaarmay in dakhliga kor loo qaado dadaal dheeri ahna lagu daro.
Cali Cumar Caarshe, Wasiir kuxigeenka dakhliga ayaa sidoo kale booqday xarunta Degmada, Kastamka Tuurdibi, Kastamka Daarasalaam iyo Bursaalax oo ay Dowladdu ka wado shaqooyinka lagu horumarinaayo dhanka Cashuuraha
Kastamka daarasalaam ayaa lageeyey Ciidamo dheeri ah si ay uga qayb qataan soo xeraynta dakhliga.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments