Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Kastamada iyo Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo[Sawirro]

GAALKACYO – Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cali Cumar Caarshe oo maalmahan ku sugan gobolka Mudug ayaa maanta kormeer ku sameeyay Kastamada magaalada Gaalkacyo & kastamka Garoonka Diyaaradaha.

Waxaa Kormeerka Wasiirka Ku wehelinayay Agaasimaha Furdooyinka Dowladda Puntland iyo Talyaha ilaaladda Cashuuraha Puntland Iyo Xisaabiyaha gobolka Mudug, waxana ay mas’uuliyiintu booqdeen Kastamada kala duwan ee Wasaaradda iyaga oo wax ka ogaaday shaqooyinka socda.

Intuu kormeerku socday, waxaa looga hadlay shaqooyinka socda, caqabadaha jira iyo sidii loo dardar-gelin lahaa kor u qaadida dakhliga.

Ugu dambayn Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland ayaa ku boggaadiyay mas’uuliyiinta Wasaaaradda shaqooyinka ay u hayaan shacabka, kulana dardaarmay in dadaalo dheeriya ay ku bixiyaan kobcinta dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.