Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Airporka Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland mudane Cumar Xasan Fiqi oo u weheliyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheekh Aduunyo) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Airport-ka Boosaaso.

Maamulaha Dakhliga Garoonka Diyaaradaha Boosaaso Muxiyadiin Cabdiqaadir Maxamuud ayaa madaxda sare ee Wasaaradda Maaliyadda kusoo dhaweeyay Airport-ka Boosaaso.

Ujeedada kormeerkan ayaa ahaa u kuur gelidda habsami u socodka shaqada Kastamka ee Airport-ka magaalada Boosaaso.

Maamulaha Dakhliga ayaa xog-dheeri ah ka siiyay madaxda shaqada socota iyo dakhliga taasoo si wanaagsan ku socota.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa kula dardaarmay madaxda iyo shaqaalaha iney dadaal dheeri ah ku bixiyaan shaqada ay u hayaan shacabka Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.