Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo shir guddoomiyay kulan looga hadlay Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cali Cumar Caarshe ayaa kulan la qaatay Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee dakhliga, Agaasimayaasha waaxyaha iyo madax qaybeedyada dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dardargalin lahaa dakhliga dowladda Puntland iyadoo lagu soo bandhigay dakhligii lasoo xareeyay bilaha January ilaa April 2023-ka.

Kulanka ayaa si hoose loogu eegay xog ku saabsan yoolasha dakhliga ee  Miisaaniyadda sanadka 2023 inta ka dhiman si loo xaqiijiyo soo uruurinta dakhliga iyadoo la gaarayo kutalagalka Miisaaniyadda sanadka 2023 iyo qorshihii saddax biloodka soo socda iyada oo laga duulayo qorshaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee sanadka 2023.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.