Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda ee Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiir kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyaddda Puntland Mudane Cali Cumar Caarshe ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee magaaladda Boosaaso.

Mudane Cali Cumar Caarshe waxa kusoo dhaweeyay xarunta, Maamulaha Cashuuraha Berriga gobolka Bari Mudane Yuusuf Maxamed Yuusuf.

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Maaliyadda Puntland ayaa kormeeray xafiisyadda, isagoona la kulmay warbixinana ka dhageystay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha.

Ugu dambeyntii , Mudane Cali Cumar Caarshe ayaa  madaxda iyo shaqaalaha ku ammaanay shaqada wanaagsan ay ummadda u hayaan, isagoona kula dardaarmay in la sameeyo koboc dakhli.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.