Wasiir kuxigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo kormeer shaqo ku tagay Kastamka Faleydhyaale ee gobolka Sool(Sawirro)
FALEYDHYAALE – Wasiir ku xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cali Cumar Caarshe ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Faleydhyaale ee gobolka Sool.
Wasiirka waxaa uu halkaasi uu kula kulmay Madaxda Kastamka ee Wasaaradda Maaliyadda waxana ay Wasiirka uga xog warameen hannaanka shaqada.
Si gaar ah Wasiirka iyo Madaxda Kastamka Faleydhyaale waxaa looga wada hadlay kobcinta dakhliga iyo in la sameeyo dadaal dheeri ah oo ku aadan kor uqaadidda dakhaliga.
Wasiirka ayaa Madaxda iyo shaqaalaha kula dardaarmay in ay bulshada soodhoweeyaan si habsami ahna ugu adeegaan iyaga oo gudanaaaya waajibaadka shaqada.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
Wasiir kuxigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cali Cumar Caarshe ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Faleydhyaale ee gobolka Sool.

0 Comments