Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga W/Maaliyadda Puntland oo la kulmay madax ka socotay W/Howlaha Guud iyo Taliska guud ee Ciidanka Booliska[Sawirro+Video]

GAROOWE – Wasiir kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cali Cumar Caarshe ayaa Shir-Guddoomiyey Kulan ay yeesheen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Hawlaha guud, guryeynta iyo Gaadiidka iyo Taliska guud ee ciidanka booliska.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo xoojin lahaa nidaamka wada shaqaynta ee taliska booliska, Hay’adaha Dowladda iyo kor u qaadista tayada ciidanka ilaaladda cashuuraha si ay ugu yeeshaan awood ilaalineed  iyo baarista xadgudubyadda loo gaysto sharciyadda maaliyadda.

Wasiirka kulankan waxaa ku weheliyey Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Agaasime guud Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Cashuuraha Berriga Agaasimaha Furdooyinka  iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka ayaa xoogga lugu saaray in la fududeeyo cashuur bixinta, bulshadana waqtigooda iyo sharafkooda la dhowro iyadoo la faray dhamaan ciidanka booliska iyo saraakiisha Wasaaradaha Maaliyadda iyo Gaadiidka in ay ilaaliyaan badqabka cashuur bixiyaha loona sameeyo soo dhawayn balaaran lana hormariyo adeegga cashuur qaadista.

Dhanka kale; taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Caydiid Axmed Nuur ayaa faray dhamaan saraakiisha ciidanka in so mug leh looga qayb qaato dar’dar galinta dakhliga luguna garab istaago Wasaaradda Maaliyadda shaqada ay umadda u hayso, sidoo kale, taliyaha ayaa faray dhamaan laamaha amiga ee kala duwan in wadooyinka Puntland  uusan mari karin gaari bilaa taariko ah , sidoo kale uusan jiri doonin gaari aan wafaqsanayn magaca lahaansha mulkiyadda si loo ilaaliyo amniga soohdimaha dowladda Puntland, Cidii lugu arko is waafajin la’aan waxaa la marin doono sharciga si waafaqsan.

Kulanka ayaa waxaa soo xiray Wasiir ku xigeenka Dakhliga Cali Cumar Caarshe isagoo adkeeyay in la dar’dar galiyo dakhliga guud ee dowladda si ay dowladdu u bixiso adeegga ku filan bulshadeena.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.