Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Kastamka Maaliyadda ee Airport-ka Boosaaso[Sawirro]
BOOSAASO – Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdiqadir iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaradda Maaliyadda ee garoonka diyaaradaha Boosaaso.
Mas’uuliyiinta ayaa kormeer ku sameeyay nidaamka shaqada u socoto ee Kastamka, waxana ay ay kulamo la yeesheen madaxda Kastamka iyo maamulka garoonka ee Wasaaradda Duulista Hawada ee Dowladda Puntland.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta wada shaqaynta , garab istaagga waajibaadka Wasaaradda Maaliyadda iyo kor u qaadista adeegga cashuur bixinta iyo fududeynta u adeegista cashuur bixiyaha.
Dhanka kale mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa kulamo la yeeshay Wasaaradad Dekadaha iyo Shirkadda DP World sidii looga wada shaqayn lahaa fududaynta dajinta badeecadaha iyo kor u qaadista adeegga furdadda ee Dekadda Boosaaso.
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiqadir Cismaan ayaa xusay in ay aad ugu faraxsan yihiin in shaqada dekaddu si wanaagsan u socoto loona baahan yahay in lasii xoojiyo hawlaha shaqo si kor loogu qaado dakhliga Dawladda, isla markaasna ay ku garab siin doonaan cid kasta sidii loo gaari lahaa yoolkeeda.
Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir ayaa xusay in ay diyaar u yihiin kordhinta waqtiga shaqada si kor loogu qaado dakhliga dawladda iyo soo dajinta badeecadaha isla markaasna la hormariyo adeegga Ganacsiga ee Dekadda Bosaso.
Agaasimaha ayaa ka codsaday Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda iyo Shirkadda DP World in la diyaariyo hindishe qorshe ah oo fududeen doono adeegga furdadda Bosaso iyadoo la tayayn doono shaqaalaha iyo nidaamka shaqada.
Madaxa shirkadda DP World ayaa xusay in ay aad ugu faraxsan yihiin wada shaqaynta Wasaaradda Maaliyadda islamarkaasna ay diyaar u yihiin in ay ku garab siiyaan Dawladda sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga Dawladda Puntland iyadoo la casriyaynayo adeegga Dekadda lana bilaabay hawlihii shaqada ee Dekadda.
Kulamadii ayaa kusoo idlaaday si guul ah iyadoo la faray dhamaan saraakiisha kala duwan ee Dakhliga in la xoojiyo shaqooyinka kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments