Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Kormeer ku tagay Xarunta Keydka Shidaalka ee Ocean[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cismaan oo u weheliyo Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Mudane Abshir Maxamed Abshir oo maanta kormeer shaqo ku tagay Boosaaso ayaa booqday xarunta Keydka Shidaalka ee Shirkadda Wadaniga ah ee Ocean Petroleum Company.

Kormeerkan shaqo waxaa Wasiir dowlaha Maaliyadda iyo Agaasime Kuxigeenka Dakhliga ku weheliyay Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga Cabdiqaadir Liibaan Cismaan, Maamulaha Furdada Boosaaso Maxamed Yuusuf, xubno ka socday Wasaaradda Dekedaha iyo Shirkadda mas’uulka ka ah dhismaha iyo horumarinta Dekedda magaalada Boosaaso ee DP World.

Shirkadda wadaniga ah ayaa sameysay Keydka Shidaalka casriga ah kaasoo la jaanqaadi doona Keydadka shidaal ee dunida, waxayna meesha ka saareysa hannaankii hore ee shidaalka iyadoo ay wax badan iska beddeli doonaan baahida shidaalka ee deegaanada Puntland.

Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cismaan ayaa ku dhiirigeliyay ganacsatada wadaniga ah sida ay u maalgashadeen dalkooda ugana qayb qaadanayaan horumarka dhaqaalaha guud ahaan ee Puntland.

Maraakiibta sida shixnadda shidaalka ayaa kusoo xiran doonna Badda iyagoo si toos ah ugu shubi doonaan keydka shidaalka ee shirkadda taasoo fududeyn doonta culeyska ka jiray dekadda marka maraakiibtu ay shubayaan shidaalka kuwaasoo lagu qaadi jiray booyado waa wayn oo buuxiya gudaha Dekadda.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa u joogi doona Boosaaso dardar galinta dakhliga iyo xoojinta shaqada Wasaaradda ee gobolka Bari oo ah halbawlaha Dhaqaalaha ee Puntland.


Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.